Hoggaamiyihii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay 2016 oo Maraykanka ku geeriyooday

0
23

Hoggaamiyihii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay 2016 oo Maraykanka ku geeriyooday

Muhammed Fethullah Gulen oo ahaa Wadaad Dibad-joog ka ahaa Dalkiisa Turkiga kana dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee Dalkaas ka dhacay sanadkii 2016kii ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday Maraykanka.

Fethullah Gulen oo ahaa 83 sano jir ayaa xannuusaday waxaana la dhigay mid kamid ah Goobaha Caafimaadka ee ku yaalla Dalka Maraykanka oo ugu dambeyn ku ruux baxay sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo Warbaahinta xogtaan la wadaagay.

Dowladda Turkiga ayaa in muddo ah raadineysay wadaadkaan si loogu maxkamadeeyo dhibaatadii ka dhalatay afgambigii guuldareystay ee Dalkaas ka dhacay, waxaana ay qaadday tallaabooyin ay kamid yihiin sida in ay xayirtay hantidiisa.

Sidoo kale Dowladda Turkiga ayaa Gulen Dartiis meeshii ugu hooseysay gaarsiiyay xiriirka kala dhaxeeya Maraykanka maadaama Washington ay martigelisay iyada oo diiday dalabkii ku saabsanaa in ay soo dhiibto si ay u maxkamadeyso.

La soco wixii kasoo kordha