MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo xoojiyay qorshaha Dowladda ay ku saldhigeyso howlgalka cusub ee AUSSOM

0
20

MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo xoojiyay qorshaha Dowladda ay ku saldhigeyso howlgalka cusub ee AUSSOM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xoojiyay qorshaha Dowladdu ay ku muujineyso sida ay uga go’an tahay in howlgalka cusub ee baddelaya ATMIS laga reebo Itoobiya oo diiday in ay dib uga laabato heshiiskii xadgudubka ahaa ee horraantii sanadkaan ay la gashay Maamulka Somaliland.

Itoobiya waxaa marar badan la hordhigay in ay baabi’iso heshiis-beenaadkii xadgudubka ku ahaa Madaxbannaanida, Wadajirka iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaas oo Xukuumadda Abiy Ahmed ku damacday Biyaha Soomaaliya in ay saldhig Ciidan ka dhigato iyada oo ka duuleysa heshiiskaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cagta mariyay Dalalka Ciidamada Afrikaanka ah ee Dalka jooga ka socdaan marka laga reebo Itoobiya, tallaabadaan waxa ay furtay bog kale oo muujinaya sida ay Dowladdu uga go’an tahay dhaqangelinta hadalkeedi ahaa in Itoobiyaanka laga reebo howlgalka cusub.

In Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tagi waayo Magaalada Addis Ababa oo ah xarunta Midowga Afrika iyo Itoobiya oo ciidan badan ka joogaan Soomaaliya waxa ay muujisay dedaalka dheeraadka ah ee Dowladda Federaalka ku dooneyso in gebi ahaanba Ciidankaas laga saaro howlgalka Midowga Afrika, waxa xigana uu noqon doonno in ay Dalka isaga baxaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo kooban waxa uu ku tegay Dalalka Uganda, Burundi iyo Jabuuti, Madaxdooda oo uu la kulmay waxa uu kala hadlay qorshaha howlgalka cusub ee Midowga Afrika & Qaramada Midoobay ka heysta fasaxa iyo taageerada maaliyadeed ee ku baxaya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Sanadihii lasoo dhaafay waxa ay diiradda saartay dib u dhiska Ciidamo awood badan kuwaas oo mustaqbalka dhow la wareegi kara mas’uuliyadda nabadgalyada Dalkooda sida Badda, Cirka iyo Dhulka, tijaabadii ay galeen waa dagaallada ay ku qabsadeen deegaanno dhowr ah iyaga oo aanay la howlgaleen Ciidanka ATMIS.

Itoobiya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay diyaar u tahay ka qaybgalka howlgalka cusub ee Soomaaliya (AUSSOM), sidoo kale waxaa dhankeeda codsatay Jamhuuriyadd Carbeed ee Masar oo xiisad kala dhaxeysa Itoobiya, waxaa socda kulamo looga arrinsanayo howlgalkaas cusub ee la shaacin doonno in uusan dhammaan sanadkaan 2024.