Iiraan oo xadday qorshaha Israa’iil ay ku weerari rabtay Dalkeeda & Maraykanka oo walaacsan

0
53

Iiraan oo xadday qorshaha Israa’iil ay ku weerari rabtay Dalkeeda & Maraykanka oo walaacsan

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sirdoonka dhinaca internetka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ay u dhaceen xogta ay wadajirka u diyaariyeen Maraykanka iyo Israa’iil ay ku damacsanaayeen in ay ku beegsadaan Dalkaas.

Qorshahaan oo ahaa mid ay iska kaashadeen Washington & Tel Aviv si loo beegsado meelaha ugu badan ay ka dhaqdhaqaaqi karto dhinaca Dowladda Iiraan si uu u guuleysto ujeedka weerarkooda sida hadalka loo dhigay.

Kooxo khubarro ah oo u dhashay Dalka Iiraan ayaa jabsaday meelaha lagu keydiyo xogaha sirdoonka Israa’iil, waxaana durba u sahlanaatay in ay dhabarka ka jebiyaan qorshahaas cusub ee Xukuumadda Tehran ka dhanka ah.

Sirdoonka Maraykanka iyo Israa’iil ayaa tan iyo markii ay bannaanka usoo baxday sheekadaan waxa ay sameeyeen xiriir aan kala go’ lahayn si ay u raadiyaan qorshe kale oo ay uga dabatagayaan sirtaas ka fashilantay.

Dhowr jeer waxaa sirdoonnada Israa’iil iyo Maraykanka dhexda ka galay kooxo ilaa haatan aanay la aqoon balse Washington ayaa dusha ka saartay Ruushka, Iiraan, Kuuriyada Waqooyi iyo burcad kale oo dalalkaas garabsiinayaan.

La soco wixii kasoo kordha