Biden oo sheegay inuusan Israa’iil ku taageereyn weerar ay ku qaado xarumaha nukliyeerka Iiraan

0
42

Mareykanka oo sheegay inuusan Israa’iil ku taageereyn weerar ay ku qaado xarumaha nukliyeerka Iiraan

 

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay inuusan taageereyn in Israa’iil ay weerar ku qaado xarmaha nukliyeerka ee dalka Iiraan, taas oo jawaab u noqonaysa gantaaladii ay Iiraan Talaadadii ku garaacday Israa’iil.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Israa’iiliyiintu ay xaq u leeyihiin in ay ka jawaabaan weerarka, balse looga baahan yahay in ay si feejigan u sameeyaan.

Hadalka Mr. Biden ayaa yimid kadib markii Washington ay ballan qaaday inay la shaqeyn doonto Israa’iil si loo hubiyo in Iran ay wajahdo cawaaqib adag oo ka dhalanaya weerarka.

Dhanka kale, madaxweynaha Iran, Masoud Pezesh-kiyan, ayaa sheegay in Texraan ay ku khasbaanatay inay jawaab bixiso. Waxaa uu ka digay in haddii Israa’iil ay mar kale weerarto Iran, markaas Texraan ay bixin doonto jawaab tii hore ka daran.