Faransiiska, Ingiriiska iyo Mareykanka oo is garabtaag u muujiyay Israel

0
38

Faransiiska, Ingiriiska iyo Mareykanka oo is garabtaag u muujiyay Israel

Faransiiska, Ingiriiska iyo Mareykanka oo is garabtaag u muujiyay Israel
News DeskOctober 3, 2024 1 minute read
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa cambaareeyay weerarka walaaca abuuray ee ay Iran xalay ku qaadday Israel.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidamada Faransiiska ee gobolka ku sugan ay isku dayeen inay ka hortaggaan gantaalada ballaastikada Iran ee lagu weeraray gudaha Israel.


Madaxweynaha ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Faransiiska ay ka go’an tahay xaqiijinta amniga Israel, isla-markaana ay si buuxda u garab taagan yihiin maamulkaasi.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer oo isna jeediyay khudbad uu kaga hadlayay xiisadda Bariga Dhexe ayaa cambaareeyay weerarka Iran, isagoona ballanqaaday taageeradooda Israel.

“Farriintayadu way caddahay. Waxaan cambaareynaynaa weerarka Iran, waxaana aqoonsanaynaa xuquuqda Israel ee amnigeeda iyo inay is difaacdo, waxaana taas u sheegayaa si aan ka leex leexad lahayn.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Ingiriiska.

Raysal Wasaare Starmer ayaa xusay in dhinacyada oo dhan ay ka walaacsan yihiin in tani ay xaaladda uga sii darto, laakiin mabda’a xuquuqda Israel ee is difaaceeda uu yahay mid cad.

“Waxaa muuqata in dhammaan dhinacyada oo dhan ay ka walaacsan yihiin in tani ay noqoto mid ku faafta gobolka oo dhan, balse mabda’a xuquuqda Israel ee is difaaca ayaa ah mid cad.” Ayuu yiri Starmer.

Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa si adag u cambaareeyay weerarka, wuxuuna ku celiyay taageerada aan xadidneyn Mareykanka ee Israel.

Madaxweyne Biden oo Warbaahinta la hadlay ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid aan wax tar lahayn, ka dib markii sida uu sheegay lagu guuleystay in laga hortago, waxaana uu intaasi ku daray in Ciidamada Mareykanka ee gobolka ay si weyn ula shaqeeyeen Militariga Israel, si Israel loo difaaco.

“Aniga ayaa amray Ciidamada Mareykanka, si firfircoon ayayna u taageereen difaaca Israel, waxaana weli qiimeynaynaa saamaynta, laakiin marka la eego waxaan hadda ognahay weerarku wuxuu ahaa mid la jebiyay oo aan wax tar lahayn, taas oo caddeyn u ah awoodda Militariga Israel iyo Ciidamada Mareykanka.” Ayuu yiri Biden.

Australia, Jarmalka iyo Japan oo ah xulafada reer galbeedka ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday Israel.

Dalalka reer galbeedka ayaa riixaya in Israel ay jawaab adag ka bixiso weerarkaasi, taasoo calaamad u ah inuu fidayo dagaalka Bariga Dhexe.

Dalalka gobolka oo ay ku jiraan saaxiibada Israel iyo dunida Muslimka ayaan cambaareyn weerarka.