Madaxweynaha Turkiga oo ka digay dagaalka Israel ku qaaday Lubnaan

0
23

Madaxweynaha Turkiga oo ka digay dagaalka Israel ku qaaday Lubnaan

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa uga digay Israa’iil in cawaaqibka ka dhalan kara duulaanka dhulka ee Lubnaan aysan la mid noqon doonin qabsashadii hore.

Khudbad uu ka jeediyay Golaha Guud ee Baarlamaanka Turkiga, Erdogan wuxuu ku yiri”Cawaaqibka ka dhalan kara duulaanka Lubnaan ee Israel wuxuu sababi karaa dagaal hor le”

Isagoo sii hadlayay, Erdogan ayaa Israa’iil ku eedeeyay xasuuq ka geystay Qaza iyo weeraro argagixiso oo ka dhacay Lubnaan.

Wuxuu intaa raaciyay in Israa’iil, oo uu ku tilmaamay “Netanyahu, oo ku dayanayo Hitler,” ay ku kacday dembiyo badan oo ka dhan ah bani’aadamnimada 51-kii toddobaad ee la soo dhaafay, oo ay ku jiraan xasuuq, cunsuriyad, takoor, kufsi, jirdil, iyo dilka suxufiyiinta.

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in Qaza ay isu beddeshay xero weyn oo lagu dilay 42,000 qof oo aan waxba galabsan.