Iran oo ku hanjabtay in jawaab kulul ka bixin doonto dilka Cabbaas Nilforoushan

0
38

Iran oo ku hanjabtay in jawaab kulul ka bixin doonto dilka Cabbaas Nilforoushan

Duqeyntii diyaaradaha dagaalka milatariga Israa’iil ka geesteen magaalada Beyruut ee caasimadda dalka Libnaan, ayaa lagu dilay saraakiil sar sare u dhalatay dalka Iran uu ku jiro Cabbaas Nilforoushan oo ahaa taliye kuxigeenkii ilaalada Kacaanka Iran.

Sarreeye Guuto Cabbaas Nilforoushan, ayaa xilliga la dilayay la joogay hoggaamiyihii la dilay isna ee ururka Xisbullaah Sheekh Xasan Nasrullaah, waxaana weerarkan noqday mid sidoo kale galaaftay nolosha saraakiil kale oo muhiim ahaa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iran Cabbaas Araqchi, ayaa Axadii sheegay in dilka ay Israa’iil ku dishay taliye ku xigeenkii ilaalada kacaanka Iran ee magaalada Beirut uu ahaa dambi aad u fool xun, waxa uuna xusay in falkaasi ay Iran ka bixin doonto jawaab adag.

“Shaki kuma jiro in dambigan foosha xun ee ay gashey maamulka Sahyuuniyadda (Israa’iil) uusan noqon doonin mid jawaab la’aan ah,” ayuu Araqchi ku yiri hadal uu u jeediyay taliyaha ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah, Major General Hossein Salami.

Dowladda Iran ayaana shaacin nuuca jawaabta ay ka bixin doonto dilka loo geestay Sarreeye Guuto Cabbaas Nilforoushan, waxa ayna Iran marar badan hanjabaadyo cuilus u jeediyeen Israa’iil oo dishay xubno katirsanaa ilaalada Kacaanka Iran , sidoo kale gudaha Iran ku dishay madaxii Xamaas Ismaaciil Haniya.