Shirka 79aad ee Qaramada Midoobay oo maanta ka furmaya & xog ku saabsan Khudbadaha Madaxda

0
24

Shirka 79aad ee Qaramada Midoobay oo maanta ka furmaya & xog ku saabsan Khudbadaha Madaxda

Magaalada New York ee Dalka Maraykanka waxaa maanta oo Talaado ah ka furmaya Shirka guud ee Qaramada Midoobay oo ay ka qaybgalayaan inta badan Dalalka xubnaha ka ah Golahaas si diiradda loo saaro xaaladaha soo kordhay.

Khudbadda furitaanka waxaa ku qoran Madaxweynaha Martida loo yahay ee Maraykanka Joe Biden, waa Khudbaddiisii ugu dambeeyay ee Golahaan uu ka jeedinayo maadaama muddo xileedkiisa uu sii dhammaanayo oo aanay ku jirin Doorashada soo socota.

Qofka labaad ee hadal jeedinta qaadanaya waa Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxa uu kamid yahay 76 Madaxweyne oo sanadkaan marti ku ah meertada 79aad ee fadhiga guud ee Qaramada Midoobay.

Erdogan waxa uu diiradda saari doonnaa xaaladda ka taagan Bariga Dhexe, Gaabista Qaramada Midoobay ee la xiriira in loo gurmado Dadka dhibaateysan ee Falastiin iyo arrimo kale oo la xiriira waxyaabaha u qorsheysan Dalkiisa.

Amiirka Dalka Carbeed ee Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani oo dhowr jeer martigeliyay wadahadallada xalka loogu raadinayo xaaladda ka jirta Bariga Dhexe ayaa qudhiisa ku xigi doonna iyada oo la sugayo waxyaabaha uu madasha ka sheegi doonno.

Hoggaamiyaha ugu horreeya ee ka socda Dal Afrikaan ah ee khudbadaha ugu horreeya la siinayo waa Madaxweynaha Koofur Afrika Cyril Ramaphosa, waxyaabaha uu diiradda saarayo waxaa kamid ah dhibaatooyinka Afrika ka jira, xaaladda bariga iyo arrimo kale.

Sanadkaan waxaa Shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay ka qaybgalaya 76 Madaxweyne, 4 Madaxweyne ku xigeen, 2 Amiir, 42 Madax Dowladeed, 9 Ra’iisul Wasare ku xigeen, 54 Wasiir iyo mas’uuliyiin kale, Soomaaliya waxaa ku metalaya Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

La soco wixii kasoo kordha