Madaxweynaha Ukraine oo Shirka Qaramada Midoobay ka dhex codsanaya in la taageero Dowladdiisa

0
35

Madaxweynaha Ukraine oo Shirka Qaramada Midoobay ka dhex codsanaya in la taageero Dowladdiisa

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa gelinka dambe ee maanta Khudbad ka jeedinaya fadhiga guud ee Qaramada Midoobay isaga oo madaxda xubnaha ka ah Golahaan ka codsan doonna in la taageero Dalkiisa oo xaalado adag dhex maquuranaya.

Zelensky ayaa saacadihii lasoo dhaafay waday kala xod-xodashada madaxda uu u arko in ay wax kusoo kordhin karaan Dalkiisa oo dhibaato xooggan kasoo gaartay Ruushka ku duullay weli la daala-dhacaya sida ay sheegeen ilo ku dhow safarkiisa Maraykanka.

Madaxweynaha Ukraine oo dagaal ka taagan yahay dhiggiisa Maraykanka Joe Biden ayaa la kulmo doonno Madax si gaar ah Xukuumadda Washington u agaasimi doonto si ay uga dhex faa’iideysato colaadinta lagu sameynayo Ruushka.

Ukraine iyo Maraykanka waa xulufo isku dhow marka la eego aragtida ay ka taagan yihiin Ruushka, Balse Xukuumadda Kyiv sidii ay ka fileysay Washington kuma noqon waayo kahor dagaalka Moscow waxa ay si cad u sheegeysay inay dagaalka la geli doonto.

Hoggaamiyaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa rajo weyn ka qaba in uu Madaxda Dalalka Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee fadhigoodu billaabanayo maanta ka helo ballanqaad fiican si uga yaraan ay isaga caabiyaan culeyska uga imaanaya Ruushka.

La soco wixii kasoo kordha