Markab sida shixnado hub ah oo ku xirtay dekeda Muqdisho

0
38

Markab sida shixnado hub ah oo ku xirtay dekeda Muqdisho

Markab wada Shixnad hub ah oo ay leedahay dawladda Soomaaliya oo taagnaa biyaha Muqdisho ayaa hadda dajintiisa laga bilaabay dekeda, iyadoo loo daabulayo keydad hubeed oo ay dawladda faderaalka leedahay.

Hubkan ayaa qeyb ka noqonayo shixnado hub ah oo ay heshay dawladda Faderaalka, kaasoo ay bixiyeen dalalka Soomaaliya ka taageera dhinaca amniga

Hubkan ayaa iskugu jira hub laga soo iibiyey Masar iyo qeyb ay deeq ahaan u bixisay, iyadoo hubab hore oo la keenay aan wali tixraac loo heynin sida loo isticmaalay.

Waxaa la joojiyey dhamaan howlihii dejinta iyo dhoofinta ee ka socday dekeda Muqdisho, iyadoo la fasaxay shaqaalaha rayidka muddo afar cisho ah

Jidka ka baxa dekeda Muqdisho ee taga Wasaaradda Gaashandhiga ayaa sidoo kale amaankiisa la xoojiyey, iyadoo meelaha qaar gaadiidka shacabka laga xiray.

Sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray maalmo ka hor dayuurado Holikobtar ah oo wax duqeyn kara iyo taangiyo ay soo iibsatay DF