Maxaa looga hadlay kulanka maanta ee Golaha Shacabka?

0
29

Maxaa looga hadlay kulanka maanta ee Golaha Shacabka?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 25-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka Ajendaha ayaa ahaa qeybinta akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka, iyo qeybinta akhrinta saddexaad ee hindise sharciyeedyada kala ah.

Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir Beereedka, Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka iyo Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Sheekh Aadan Madoowe ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan Golaha ay guddoonka u soo gudbiyeen soo jeedin ama mooshin ku saabsan ku daris ajende oo ah, in ajendaha kulanka ee maanta lagu daro Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeega Baaritaanadda Beeraha ee SARIS waxaana mooshinkan Golaha u faahfaahiyay Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir (Caanoy) oo ka mid ahaa Xildhibaanadda mooshinka saxiixay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka maanta uu ahaa keliya qeybin isla markaana akhrinta iyo doodda hindise sharciyeedyadana ay billaaban doonaan kulanka xiga ee dhici doona maalinta Arbacada ah.