MW Maraykanka Joe Biden oo warqadaha aqoonsi danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee Dalkiisa

0
15

MW Maraykanka Joe Biden oo warqadaha aqoonsi danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee Dalkiisa

Madaxweynaha Dalka Maraykanka Joe Biden ayaa warqadaha Aqoonsi ee Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub Soomaaliya ee Dalkaas Daahir Xasan (Daahir Carab) oo dhowaan loo magacaabay in uu qabto xilkaas.

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa baahiyay xogta warqadaha uu Joe Biden kala wareegay Danjiraha Soomaaliya ee Washington Daahir Carab si uu u guto waajibaadka shaqo ee ka saaran howshaan ay u igmatay Dowladda Federaalka.

Dhambaal Hambalyo ah oo uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu gaarsiiyay Madaxweynaha Xilka Maraykanka kasii degaya ee Joe Biden kahor inta uusan u gudbin warqadaha magacaabista Danjirenimada.

Daahir Xasan (Carab) waxa uu kamid ahaa Safiirro iyo ku xigeennadooda oo dhowaan Dowladda Federaalka magacawday si ay u baddelaan Danjireyaashii ka horreeyay ee Dalalkaas ku metalayay Jamhuuriyadda Soomaaliya.