Turkiga ma u baahan yahay gacan kale si uu guul uga gaaro wadahadalka Soomaaliya & Itoobiya?

0
43

Turkiga ma u baahan yahay gacan kale si uu guul uga gaaro wadahadalka Soomaaliya & Itoobiya?

Dowladda Turkiga ayaa u muuqata in ay dhinac u dhaqaanjin la’ dahay wadahadalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee salkiisu yahay baabi’inta xiisadda ka dhalatay damaca gurracan ee Xukuumadda Abiy Ahmed ku riixaya in uu hamiyo biyaha Dalka.

Warbaahinta caalamka ayaa falanqayn ka sameysay Wareysiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakam Fidan uu siiyay Wakaaladda Wararka Dalkaas isaga oo quus uga muujiyay in si fudud fool ka fool u kulmaan ergada labada Dal.

Qaar kamid ah Warbaahinta ayaa cinwaan sadar weyn ay ku muujiyeen ku sheegay in hadalkaas laga dheehan karo in Xukuumadda Ankara u baahan tahay dhinac kale oo ku xoojiya wadahadalka si labada dhinac loosoo dabciyo loona keeno meel dhow.

Hadalkii ahaa ‘In aanay fududeyn in fool ka fool ay uwada kulmaan wufuudda Soomaaliya & Itoobiya’ waa barta ugu weyn ee lagala dhex baxay in Turkiga uu jeclaan lahaa dhinac kale oo cilaaqaad wanaagsan kala dhaxeeya oo arrintaan xalkeeda la raadin kara.

Dhadhaqanka Wareysiga Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa ay Dad badan ku sifeeyeen mowqifka adag ee Soomaaliya maadaama Dowladda Federaalka ay sheegtay in aanay ergada ka socota si toos ah ula hadli doonin ilaa inta Addis Ababa ay ka laabanayso damaceeda gurracan.

Labadii wareeg ee wadahadalka dadban uu socday ayuu shaaciyay in ay ka barteen casharro badan oo u sahli kara in wajiga saddexaad ee wadaxaajoodka uu uga fududaado sidii hore, marka kale ayuu rajo ka muujiyay in xal diblumaasi la gaari karo haddii si dhab ah loo wada hadlo.

Soomaaliya ayaa ku dhegtay mowqifkeeda ah in aanay marnaba la hadli doonin Itoobiya ilaa inta ay dib uga laabanayso heshiiskii damaca gurracan ku dheehnaa ee sharci darrada ahaa oo ay la gashay Maamulka Somaliland.

Itoobiya ayaa ka meermeertay aqbalidda soo jeedinta Soomaaliya ee furaha u ah in si fool ka fool ah uwada kulmaan ergada kala metalaysa Muqdisho iyo Addis Ababa, Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa indhaha ka laabatay nidaamka caalamiga ah ee qeexaya ilaalinta dalalka deriska ah.