Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Hay’adda Nukliyeerka Adduunka

0
29

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay Hay’adda caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA), sida lagu go’aamiyay shirkii guud ee 68aad ee Hey’adda oo todobaadkan ka dhacay magaalada Vienna ee dalka Austria.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in ku biiritaanka Soomaaliya hay’adda IAEA ay tahay tallaabo horay loo qaaday

Waxaa uu sheegay in ay waqti badan ku bixiyeen sidii ay uga mid noqon lahaayeen hay’adda si loo helo adeegyada tamarta ee dalkaan u baahan yahay, waxa uuna xusay in Soomaaliya wax badan ka faa’iidi doonto ku biiritaanka hay’addan

“In aan ka mid noqono IAEA waa tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa sida ay Dowladda Federaalku uga go’an tahay qaadashada kaalin firfircoon oo dhanka iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada nabadda, horumarinta iyo sayniska”ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Dalal cusub oo Soomaaliya kamid tahay ayaa ku biiray hay’adda IAEA , waxaana dowladaha hay’addan hadda ku jira gaarayaan 178 dal, shirweynaha sannadkan ee hay’adda ayaana lagu shaaciyay dalalka cusub ee Soomaaliya kamid tahay ee kamid noqday hay;adda .