Xadhiga xildhibaan Maxamed Abiib oo toddobaad galay maxaase tallaabo ah oo la qaadi karaa?

0
20

Xadhiga xildhibaan Maxamed Abiib oo toddobaad galay maxaase tallaabo ah oo la qaadi karaa?

Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ayaa weli ku xiran Xabsiga Mandheera ee magaalada Hargeysa.

Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday maadxbanaanideeda ee Somaliland ayaa markii labaad diidday codsi uga yimid Xeer ilaalinta Guud ee Somaliland oo ay sheegtay in Xildhibaan Maxamed Abiib ay xidheen, isaga oo dambiile ah.

Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo xidhan, ayaa diidmadan iyo laalista ay Golaha Wakiilladu diideen soo jeedinta xeer ilaalintu waxa ay noqonaysaa markii labaad, madaama toddobaadkii horena ay diideen dalabkii Xeer ilaalinta ee ahaa in Xasaanada laga qaado Xildhibaan Abiib.

Haddaba, go’aanada Golaha Wakiillada iyo dalabyada Xeer Ilaalintu is waydaarsadayaan sharci ahaan maxay ka turjumayaan, haddii Golaha Wakiiladu diiday xadhiga Xildhibaan Abiib muxuu weli u xidhan yahay, su’aalaha iyo kuwa kale waxa aan weydiinnay Garyaqaan Xamdi Maxamuud Khaliif.

“Labada warqadood tan toddobaadkii hore iyo tan hadda soo baxday sharci ahaan xildhibaanku weli waa xildhibaan qaran oo xasaanaddiisi ayuu sidiisii ugu dhaqmayaa”, ayuu yiri Garyaqaan Xamdi.

“Waa in xeer ilaaliyuhu ku dhaqmo go’aanka golaha waana in la’isku ixtiraamo xeerarka iyo dastuurka dowladda iyo sida habraaca saxda uu sheegayo”, ayuu sii raaciyay.

Waxa uu ka faallooday halka uu kiiska ku dambeyn doono iyo sabbata uu weli xildhibaanku u xiranyahay isaga oo yiri, “Xildhibaanku weli waxa uu leeyahay xasaanad lamana hor geyn karo maxkamad waana sababta arrinta ka dhigeysa mid meel taagan”.