Madxawaynee Zelensky Oo Sheegay In Uu Soo Bandhigi Doono Qorshe Lagu Soo Afjarayo Dagaalka Ukraine

0
200

Madxawaynee Zelensky Oo Sheegay In Uu Soo Bandhigi Doono Qorshe Lagu Soo Afjarayo Dagaalka Ukraine

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in uu Maraykanka u soo bandhigi doono qorshe ku saabsan sidii sidii loo soo afjari lahaa dagaalka uu kula jiro Ruushka.

Zelensky ayaa sheegay in uu qorshahan u soo bandhigi doono murashaxiinta madaxweyne ee Kamala Harris iyo Donald Trump, iyo sidoo kale madaxweynaha hadda Joe Biden.

Qorshaha waxaa ku jiri doona tillaabooyin dhinaca diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, ayuu yiri โ€“ oo ka duwan duulaankii Ukraine ee Kursk, taas oo sidoo kale qayb ka ahayd istaraatiijiyad lagu doonayay in Moscow ay bilowdo wadahadal nabadeed.

Zelensky waxa kale oo uu shirka jaraaโ€™id ee Kyiv ku sheegay in Ukraine ay samaysay tijaabadii ugu horaysay ee gantaal ballistic ah oo gudaha dalkiisa lagu sameeyo.