Masar oo safka hore uga jirta Dalalka Ciidankoodu qaybta ka noqonaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

0
45

Masar oo safka hore uga jirta Dalalka Ciidankoodu qaybta ka noqonaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa billowday dhaqdhaqaaq xooggan oo ay ku muujineyso sida ay uga go’an tahay kamid noqoshada Dalalka Ciidamadoodu qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS dhawaan laga baddelayo loona rarayo AUSSOM.

Dowladda Masaarida oo ka faaiideysaneysa xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Dhiggeeda Soomaaliya ayaa dhowaan heshiis dhinaca Difaaca ah la gashay, waxa ay taasi sii xoojisay cilaaqaadka labada dhinac sida ay xaqiijiyeen diblumaasiyiin u dhuun duleela arrintaan.

Qaahira ayaa saacadihii lasoo dhaafay la sheegay in labo kamid ah Diyaaradeeda Militariga ay soo caga-dhigteen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) ee Magaalada Muqdisho inkasta oo aanay xog laga helin waxa ay sideen.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ay Diyaaradahaan ay la socdeen Saraakiil Ciidan iyo agab kale oo ay wateen kuwaas oo gogol-xaar u noqonaya howlgalka cusub ee Masaaridu isugu diyaarinayaan sidii ay qayb uga noqon lahaayeen.

Durba waxaa la isku xiray dhaqdhaqaaqa Ciidan ee Masar iyo Xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya, Addis Ababa ma wanaagsano cilaaqaadka kala dhaxeeya Muqdisho iyo Qaahira waana tan keentay in ay walaac ka muujiso isbahaysigaan cusub.

Waxaa miiska saaran dalabka Dowladda Federaalka ee ah in Ciidanka Itoobiyaanka Isaga baxaan Dalka lagana saaro Howlgalka Nabad Ilaalinta maadaama ay ku xadgudubtay Madaxbannaanida, Wadajirka & Midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya iyada oo weli aanay jirin in ay dib uga laabatay gefka ka dhacay.

Ciidamada Masaaridu waxa ay ugu yaraan dabooli karaan goobaha ay haatan joogaan Ciidanka Itoobiya si hoos loogu dhigo walaaca ay muujinayaan Dowlad-Goboleedyada qaar oo sheegay in door muuqda ay ciidankaas ku leeyihiin sugidda Amnigooda.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo leh go’aanka ugu dambeeya Ciidamada jooga Soomaaliya maadama taakulada ku baxda uu bixiyo ayaa la ogaaday in Ciidanka Masaarida ay u fasaxeen in ay ku biiraan howlgalkaan inkasta oo aanay si rasmi ah loo shaacin weli.