Saraakiil Ciidanka Israa’iil looga dilay Dagaal ka dhacay Magaalada Gaza

0
49

Saraakiil Ciidanka Israa’iil looga dilay Dagaal ka dhacay Magaalada Gaza

Bartamaha Magaalada Gaza waxaa ka dhacay Dagaal xooggan oo Saacado badan socday oo u dhaxeeyay Ciidanka Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqa Xamaas ee iska caabbinta kala hortagay ciidankaan doonaya in ay deegaanno cusub ka qabsadaan Falastiin.

Dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray labada dhinac ayaa lagu dilay saraakiil hoggaamineysay ciidanka Israa’iil sida ay kusoo xog-warrameen ilo kala duwan kaddib markii la beegsaday goob ay joogeen oo qarax lala haleelay.

Weerar duqayn ah ayay Israa’iil billaabeen markii dagaalkaas ku adkaaday oo waxa ay duqeeyeen sida caada ah meelaha ay degen yihiin Dadka rayidka sida Iskuullada, Xeryaha Barakacayaasha iyo Isbitaallada.

Israa’iil dhankeeda waxa ay sheegatay in ay soo furatay mid kamid ah Maxaabiista laga soo qabsaday 7dii Oktoobar sanadkii hore 2023 oo lagu magacaabo Qaid Farhan Alkadi inkasta oo aanay bixin faah-faahin intaas dheer.