Mucaaradka Israa’iil oo cadaadis xooggan ku bilaabay Netanyahu

0
47

Waxaa marar badan fashilmay isku dayo la doonayay in xabbad-joojin looga gaaro dagaalka ka socda magaalada Gaza, waxaana fashilka xabbad-joojinta inta badan dusha laga saaraa maamulka Israa’iil uu hormuudka u yahay Ra’isul Wasaare Binjamin Natenyahu.

Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil Yair Lapid , ayaa ku boorriyay Ra’isul Wasaare Netanyahu in uu oggolaado heshiis xabbad-joojin deg deg ah oo laga gaaro dagaalka Gaza, ka hor inta aysan dhammaan la haystayaasha Israa’iil ee halkaasi ku sugan dhiman.

Waxa uu sheegay Yair Lapid in Ra’isul Wasaaraha Israa’iil isku dayayo in uu fashiliyo dedaalada xabbad-joojinta, waxa uuna xusay haddii aan la gaarin xal aana la joojin xabbada Gaza ka socota in halis galayaan nolosha inta hartay laheestayasaha Isra’il ee Xamaas gacanta ugu jira.

Milatariga Israa’il ayaa maalmo kahor magaalada Khan Younis ee katirsan Gaza kasoo saaray meydadka lix kamid ahaa laheestayaasha Israa’iil, waxaana jirta cabsi laga qabo in la dilay dad hor leh oo kamid ah dadka gacanta ugu jira kooxda Xamaas.

Kooxda Xamaas ayaa aftuubatay maxaabiis gaareysa 251 qof oo badankood Israa;iil u dhasheen, waxaa la aaminsan yahay in la dilay ama duqeymo ku dhinteen inta badan maxaabiista, waxaana hadda loo badinayaa in ay nool yihiin tiro gaareysa ilaa 73 maxbuus.