Xildhibaannada Golaha Shacabka oo mar kale ka dooday mooshin la xiriira canshuurta Iibka

0
61

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo mar kale ka dooday mooshin la xiriira canshuurta Iibka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 15-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sii amba qaadida doodda ku saabsaneyd arrimaha canshuuraha iibka, cabashada ganacsatada kala duwan iyo sida lagu xalin karo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay habka canshuurta loo qaadayo, hanaanka loo maray, cabashada ganacsatada iyo sidoo kale habka lagu xalin karo, waxaana inta badan Xildhibaanadu ay ka sinnaayeen muhiimadu ay qarankeena u leedahay bixinta canshuurta.

Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in doodda ay sii socon doonto isla markaana la dhameystiri doono kulanka kan xiga ee dhici doona maalinta Sabtiga ah.