Dad badan oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Iiraan

0
37

Dad badan oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Iiraan

Bas ay la socdeen Shiico Pakistani ah ayaa ku rogmaday dalka Iran, waxaana ku dhintay ugu yaraan 28 rakaab ah, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Iran.

Shilkan ayaa habeenimadii Talaadada ka dhacay gobolka Yazd ee badhtamaha dalka Iiraan, waxaana loo sababeeyay cillad ku timid habka biriigga, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa baaritaanno horudhac ah oo ay booliska sameeyeen.

23 kale oo rakaab ah ayaa ku dhaawacmay, todobo ka mid ahina ay aad u liidato, sida uu TV-ga qaranka u sheegay agaasimaha maamulka xasaradaha ee gobolka.

Dadkan ayaa ka soo socdaalay gobolka Sindh ee dalka Pakistan, waxayna ku sii jeedeen magaalada barakeysan ee Karbala ee dalka Ciraaq si ay u xusaan mid ka mid ah dhacdooyinka ugu waaweyn ee taariikhda Shiicada.

Source: BBC