Dowladda Brazil oo billawday baaritaanno ay ku sameyneyso shilkii Diyaaradda ee ka dhacay Dalkaasi

0
70

Dowladda Brazil oo billawday baaritaanno ay ku sameyneyso shilkii Diyaaradda ee ka dhacay Dalkaasi

Dowladda Brazil ayaa sheegtay in ay baareyso shilka Diyaarad kuwa rakaabka qaada ah oo ay la socdeen in ka badan 60 qof ayaa la xaqiijiyay in Jimcihi shalay ay ku burburtay magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil.

Shilkaan ayaa waxaa ku geeriyooday 61 qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dowladda iyo shirkadda diyaaradda leh.

Diyaaradda Voepass ee maxalli ah, ATR 72-matoorka mataanaha ah ee turboprop, ayaa ku wajahneyd garoonka caalamiga ah ee Sao Paulo oo ay la socdaan 58 rakaab ah iyo afar shaqaale ah markii ay dhacday Jimcihii.

Waxaa goobta gaaray saraakiisha baarista, kuwaas oo ogaanayo sababta keentay shilkaan diyaaradda.

Shilkan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalka Brazil tan iyo sanadkii 2007-dii, markaas oo 199 qof ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Sao Paulo.