Laamaha ammaanka Dowladda oo sheegay in ay soo afjareen weerarkii ka dhacay Liido

0
63

Laamaha ammaanka Dowladda oo sheegay in ay soo afjareen weerarkii ka dhacay Liido

Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo afjareen weerarkii saacadaha badan socday ee ku billowday qaraxa ee xalay ka dhacay Xeebta Liido Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Tiro rasmi ah lagama hayo Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay balse waxaa jira magacyada qaar kamid ah Dadka geeriyooday oo Baraha Bulshada lasoo dhigay waxaana ay tiradoodu kor u dhaafeysaa 10 qof halka dhaawacana uu intaas ka badan yahay.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay toogteen 5 ruux oo ah xubnihii weerarka fuliyay kuwaas oo qaraxa kaddib ka dagaalamay Xeebta Liido Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Taliska qaybta Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Hay’adaha ammaanka ay soo badbaadiyeen Dad badan oo ku go’doonsanaa Xeebta Liido gaar ahaan Goobta uu weerarka qaraxa ku billowday ka dhacay.

Waxaana qoraalka Booliiska intaas lagu daray in ay fashiliyeen Gaari lala damacsanaa qarax in lagu fuliyo halka ay ciidamadu gacan ka geysteen u gurmashada Dadka dhaawaca soo gaaray ee la geeyay goobaha Caafimaadka ee Caasimadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay war kasoo saarto khasaaraha ka dhashay weerarkaas sida tirada dhimashada iyo dhaawaca.

La soco wixii kasoo kordha