Saraakiisha sare & Madaxda Israaiil oo loo jeediyay in ay Socodkooda badan yareen cabsi laga muujiyay Iiraan darteed

0
49

Saraakiisha sare & Madaxda Israaiil oo loo jeediyay in ay Socodkooda badan yareen cabsi laga muujiyay Iiraan darteed

Waaxda Sirdoonka Israaiil ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay qoraallo digniin ah u direysay Madaxda iyo Saraakiisha sare ee la garan ogyahay in aanay u beegsan Dowladda Iiraan oo qorsheyneysa in ay ka uurgudato sida hadalka loo dhigay.

Sirdoonka Israaiil ayaa intaas ku daray in Madaxda sare Amnigooda aad loo adkeeyay sida Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyada oo qalab casri ah la geeyay hoygiisa, Xafiiskiisa iyo meel weliba oo lagu garanayo.

Xarumaha Sirdoonka, Saldhigyada Militariga & goobaha lagu keydiyo hubka ayaa sidoo kale lagu xiray qalab dhawaq digniin ah sameynaya haddii uu dareemo halis kusoo wajahan si aanay u saameyn beegsiga aargudashada ah ee Iiraan.

Israaiil ayaa shaacisay in ay ka feejigan tahay tallaab weliba oo Iiraan iyo xulufadeeda ku waxyeeleen karaan sidaas awgeed ay diyaar u yihiin inay wajahaan tallaab weliba oo culeyskeeda wadata oo dhankaas uga imaata.

Safaaradaha Dibadda ee Israaiil ku leedahay ayaa dhankooda la gaarsiiyay digniintaan si aanay loo bartilmaameedsan diblumaasiyiintooda maadaama wax weliba suuragal ay ka tahay in ay sameeyaan Sirdoonka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan ayaa dhowaan ku goodiyay in ay dhiig badan u daadin doonnaan madaxda u dhalatay Dalkaas iyo Madaxii Siyaasadda Dhaqdhaaqa Xamaas Allaha u naxariistee Ismaaciil Haniyah oo Arbacadii lagu dilay Magaalada Tehran.