Mareykanka oo war ka soo saaray dilka Hoggaamiyihii Xamaas, Ismaaciil Haniyah

0
40
U.S. Secretary of State Antony Blinken listens as he meets with Philippine President Ferdinand Marcos Jr., at the Malacanang presidential palace in Manila, Philippines on Tuesday. July 30, 2024. Basilio Sepe/Pool via REUTERS/File Photo

Mareykanka oo war ka soo saaray dilka Hoggaamiyihii Xamaas, Ismaaciil Haniyah

Mareykanka ayaa sheegay in uusan ku lug laheyn dilka Hoggaamiyahii garabka siyaadda Xamas, Ismaciil Haniyah oo ka dhacay magaalada Tehraan ee caasimadda Iiran.

“Dhacdaasi lama socon, kama warheyno, waxaan wadnaa in xog uruurin iyo in aan ogaano sida ay wax u dhaceen” ayuu yiri Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.

Sidoo kale, Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in dilkaasi sii kicin karo xiisadda Bariga Dhexe oo maalmihii la soo dhaafay dunida isha ku heysay.

Dhinaca kale, ma jiro ilaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay Israel, kaasi oo la xiriira dilka Ismaaciil Haniyah.