Nicolas Maduro oo ku guuleystay Doorashadii ka dhacday Venezuela

0
44

Nicolas Maduro oo ku guuleystay Doorashadii ka dhacday Venezuela

Nicolas Maduro ayaa Markii saddexaad ku guuleystay Doorashada Madaxtinimada Dalka Venezuela waxaana natiijada codbixintaas lagu shaaciyay kahor yimid xubnaha Mucaaradka oo ku dooday in la gacan-bidixeeyay.

Maduro oo ah 61 jir ayaa xilkaan markii ugu horreysay ku guuleystay sanadkii 2013kii waxaana uu sanadihii ka dambeeyay waqtigaas uu gaarayay guullo muhiim ah sida ka muuqata natiijada Codbixinta la shaaciyay waqtiyadaas kala duwan.

Ninkaan ayaa noloshiisa kahor Siyaasadda waxa uu ahaa Darawal Gaari Bas ah balse fursaddii ugu horreysay ee dhinaca Siyaasadda waxa uu helay sanadkii 2000 kaddib markii uu fursad ka helay Maamulkii Madaxweynihii 47aad Venezuela ee Hugo Chávez.

Waxa uu u gudbay Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Venezuela isaga oo hayay intii u dhaxeysay 2006dii ilaa 2013kii waxaana ugu dambeyn uu xiligaas helay fursad ah in uu qabto Xilka Madaxweynaha maadaama uu geeriyooday Madaxweynihii Dalkaas.

Doorasho uu xiligaas qalqal ku galay ayuu ku helay codad gaaraya 50.62% waxaana uu sidaas ku noqday Madaxweynaha rasmiga ah ee Dalka Venezuela ee dhaca Koofurta Qaaradda Ameerika isaga oo sameeyay Isbaddel siyaasadeed oo ilaa haatan muuqda.