MUQDISHO : Dowladda oo saakay bur burin ku bilowday guryo kuyaalla dhulka Wasaaradda

0
76

Dowladda oo saakay bur burin ku bilowday guryo kuyaalla dhulka Wasaaradda

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa saakay bilaabay howlgal ay dadka degan xoog uga saarayaan dhisamayaasha wasaarradii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya , oo kutaalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada dowladda gaar ahaan booliiska oo aad u hubeysan sidoo kale watay gaadiidka cagaf cagafka loo yaqaan ee wax bur buriya, ayaa saakay gudaha u galay xaruntii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo degnaayeen dad shacab ah.

Ciidamada ayaana bilaabay in dhismayaasha sharcidarada ah ee laga dhax dhistay xarunta wasaaradda bur buriyaan, waxa ayna ciidamada dadka halkaasi degan ku amrayeen inay kala baxaan carruurta iyo alaabaha yar yar ay qaadan karaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan dadka degan xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha ku amartay in ay halkaasi isaga guuraan, hasa ahaatee dadka degan halkaasi ayaa ka biyo diiday ammarka dowladda iyaga oo hory u sheegay in aysan garaneyn meel ay deegaansadaan.

Burburintan ayaa imaaneysa xilli dowladda Soomaaliya dhawaan sidaan oo kale dadkii degaaa xoog uga saareen dhulka dabdamiska ee kuyaalla degmada Hodan, halkaas oo dadkii deganaa xilli aroor hore ah ciidan la duldajiyay lagana bur buriyay guryihii ay degnaayeen.