Afghanistan, Biriq & Roob Mahiigaan ah oo Gobolka Nangarhar ku dilay ugu yaraan 40 ruux kuna dhaawacay in ka badan 350 qof.

0
40
People gather to clear the rubble of a house partially damaged by landslide due to heavy rainfall in Surkhroad district of Jalalabad, Nangarhar province east of Kabul, Afghanistan, Monday, July 15, 2024. (AP Photo/Shafiullah Kakar)

Afghanistan, Biriq & Roob Mahiigaan ah oo Gobolka Nangarhar ku dilay ugu yaraan 40 ruux kuna dhaawacay in ka badan 350 qof.

Gobolka Nangarhar ee dhaca Bariga Dalka Afgaanistaan waxaa ka da’ay Roob xooggan oo Biriq la socotay waxaana ku nolol waayay in ka badan 40 qof waxaana ku dhaawacmay Dad kor u dhaafaya 350 ruux iyada oo kumanaan kale ay guryahooda isaga carareen.

Ilo kala duwan oo deegaanka ah ayaa Warbaahinta la wadaagay macluumaadkaan ku saabsan xaaladda adag ee ka taagan Gobolkaan oo katirsan Gobollada ugu badan ee Duufaannada ka dhacaan ee Dalka Afgaanistaan.

Qof kamid ah Dadka ehelkooda waxyeellada kusoo gaartay Roobka Mahiigaanka ah ee Biriqda wax dishay watay ayaa Warbaahinta la wadaagay xogo la xiriira in xaaladdu ay adag tahay loona baahan yahay in gurmad degdeg ah lala gaaro Dadkaas.

Dadka ku takhasusay ka xog-warranka iyo ka digista xaaladahaan ayaa kusoo warramay in aanay jirin Digniin buuxda oo Dadkaan horay u gaartay taasina xaaladdu kusii murjisay kana cabsi qaba in tirada Dadka waxyeelladu gaartay kasii kororto tiradaas diiwaanka gashay.

“Fiidkii Isniinta ayaa marqura waxa uu Roob xooggan ka da’ay Magaalooyin badan oo katirsan Gobolka Nangarhar, ugu 35 ruux ayaa dhimatay halka ay dhaawaacmeen in ka badan 230 kale” Ayuu yiri Quraishi Badloon oo ah Madaxa Warfaafinta & Dhaqanka ee Gobolka Nangarhar.

Dadka waxyeellada soo gaartay ayaa la dhigay labo goob Caafimaad oo midkood uu wato Magaca Gobolka halka kan kale lagu magacaabo Faatimatul-Sahraa halkaasina ay ku qaadanayaan Dawooyinka loo qoray si ay dib usoo kabasho u sameeyaan.