Gaza, Ciidanka Israaiil oo wax ka yar Saacad ku dilay in ka badan 60 qof oo Rayid ah!

0
43

Gaza, Ciidanka Israaiil oo wax ka yar Saacad ku dilay in ka badan 60 qof oo Rayid ah!

Militariga Israaiil ayaa sii xoojiyay weerarrada duqeynta ah ee Diyaaradaha iyo kuwa Madaafiic duqeyntu loo adeegsado oo ay ku garaacayaan Xaafadaha Magaalada Gaza waxaana ka dhashay Dhimasho, Dhaawac & Burbur Maaliyeed oo horleh.

Waaxda Caafimaadka Magaalada Gaza ayaa ku dhawaaqday in ugu yaraan 48 oo kamid ah Dadkaan ku geeriyooday duqeynta laga qaaday hal goob taasi oo ka dhigan in si isdaba-joog ah duqeyntaas ugu habsatay Guryahooda.

Dadka dhaawacmay ma haystaan Daryeel Caafimaad oo ku filan isla markaana dabooli kara baahidaas iyaga oo weliba dhiig-baxaya, sidoo kale ma haystaan cunno iyo xasilooni waarta oo damaanad-qaadaysa in xabbadu joogsaneyso.

Tirada Dadka diiwaangashan ee Gacanta Ciidanka Israaiil ku baxay ayaa marba marka dambeysa sii kordheysa waxaana ugu wacan in ay weli socdaan weerarrada Ciidamada Yuhuudda ay ku beegsanayaan goobaha kooban ee Dadku gabbaadsanayaan.