Weerar culus oo lagu qaaday saldhigga Isra’il ee Buurta Hermon

0
46

Weerar culus oo lagu qaaday saldhigga Isra’il ee Buurta Hermon

Ururka Xisbullaah ayaa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo gantaalo culus ku weeraray saldhig weyn oo ay leeyihiin ciidamada milatariga Isra’il, weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay saldhigga Isra’il ee buurta Hermon oo ku taalla buuraleyda Golan Heights ay Isra’il ka heesato Syria.

War kasoo baxay ururka Xisbullaah ayaa lagu sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo gantaalo culus ku garaaceen saldhigga buurta Hermon, waxa ayna sheegeen in weerarkaasi khasaarooyin lagu gaarsiiyay ciidamada Isra’il.

Weerarkan Xisbullaah ku qaaday saldhigga ciidamada Isra’il ayaa jawaab u ah weeraro kaga yimid dhinaca Isra’il oo marar kala duwan saraakiil looga dilay, waxa ayna Xisbullaah sheegeen in weerarka ay ku hayaan Isra’il ay joojin doonaan marka ay dhankooda joojiyaan weerarada ay ku hayaan Gaza.

Saldhigga Xisbullaah weerarka ku qaaday ee kuyaalla buurta Hermon ayaa waxaa ku yaalla saldhig muhiim ah oo ay Isra’il u isticmaasho ilaalinta gobolka, gaar ahaan howlaha basaasidda iyo difaaca cirka, gaar ahaan dhaqdhaqaaqyada ka socda dalalka Suuriya, Ciraaq, Urdun.