Cabdiraxmaan Saylici, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland: “Doorashada & Qabyaaladda hala kala fogeeyo”.

0
60

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici oo la hadlay Dad isugu soo baxay in ay oogaan Salaadda Ciidul-Adxaa ayaa soo hadal qaaday arrimaha Doorashooyinka & xaaladaha kale ee uu wajahayo Maamulkaas.

Cabdiraxmaan Saylici ayaa tilmaamay in uu dhexdhexaad u yahay xubnaha Xildoonka isaga oo Shacabka Codaynaya ugu baaqay in ay codkooda ku aaminaan qofka ay u arkaan in uu awood u leeyahay xoojinta isku duubnidooda.

Saylici ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kala fogeeyo Doorashada & Qabyaaladda taasine aanay ahayn dhabbaha lagu gaari karo guul ama horumar sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland hadalka u dhigay.

“Shacabka Somaliland waxa aan leeyahay Doorashada ciddii aad doontaan u codeeya, waa in la kala fogeeyo Doorasho iyo Qabyaalad, In ummadda kala dhimato waxa ay ku imaan kartaa in aan loo fakirin si aan wanaagsanayn“ ayuu yiri Cabdiraxmaan Saylici MW Ku xigeenka Somaliland.

Saylici ayaa la sheegay in aanay sanadkaan kamid ahayn Musharrixiinta xilka u tartamaya balse waxaa aad loo hadal hayaa in uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi & Xisbiga Kulmiye kala shaqaynayo sidii markale dib usoo laaban lahaayeen.