Dowladda Sacuudi Carabiya oo xirtay 25 qof oo lagu eedeeyay iibinta kaararka aqoonsiga Xajka oo been abuur ah

0
48

Ciidanka Ammaanka dallka Sacuudi Carabiya ayaa xiray 25 qof oo u dhashay dalalka; Pakistan, Hindiya, Masar, Myanmar, Indonesia iyo Sacuudiga, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay xayaysiinayeen kaararka aqoonsiga Xajka oo been abuur ah, sida ay shaacisay shabakadda wararka Xaramka ee Insde Haram.

War ka soo baxay warbaahinta Xaramka ayaa lagu yiri, “Booliska ayaa xiray 9 qof oo u dhashay Pakistan iyo muwaadin Hindi ah oo fiisaha booqasho ku joogay, iyagoo ku eedeeyay inay xayaysiinayeen kaararka xajka oo been abuurka ah.”

Ciidamada ilaalada goobaha barakeysan Makka iyo Madiina oo howlgallo waday muddooyinkii u dambeeyey ayaa soo xiray 25 ruux, kuwaas oo lagu eedeeyay iibinta kaaararka been abuurka ah, iyada oo sheegay in ay Sacuudiga ku joogeen dal-ku-gal booqasho.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Sanadkaan wax badan ka baddeshay nidaamkii xajka loo tagi jiray iyo waqtigii ay u xaroonayeen xujeyda, waxaana lasoo kordhiyay qalabka lagu hubinayo kaararka ama ruqsadda xaajiga uu haysto.

In ka badan 1.3 Milyan oo xaaji oo dalal kala duwan kasoo kala jeeda ayaa gaaray Boqortooyada Sacuudiga iyaga oo acmaasha si toos ah u guda-galaya acmaasha Xajka Alle, waxaana heegan la geliyay adeegayaasha kala duwan ee Boqortooyada Sacuudiga u diiwaangashan.