Israel oo ciidankeeda kala baxday xerada Jabalia ka dib jab weyn oo loo geystay

0
105

Israa’iil ayaa bilowday inay ciidankeeda kala baxdo xerada Jabalia ee magaalada Gaza halkaasoo dhowaan askar badan looga dilay, kuwa kalana in nolasha lagu qabtay ay sheegeen Xamaas.

Wargeyska Israa’iil ee Yedioth Ahronoth, ayaa ku warramay guutada Paratroopers in laga saaray Jabalia.

Siddeed bilood ka hor Israa’iil ayaa sidan oo kale ugala baxday ciidankeeda xerada Jabalia ee waqooyiga Qasa, mar kale oo ay Israa’iil sheegtay inay dib halkaa ugu laabatay dhowaan waxayna ku andacootay inay burburinayaan ‘dib usoo laabashada awoodda Xamaas’, laakin mar kale ayay xeradan noqotay goob lagu burburiyay Israa’iil.

Dhinaca kale, Taliyihii hore ee ciidanka Israa’iil oo hadda ah Wasiir ka tirsan Golaha dagaalka ayaa si adag u dhaleeceeyay Netanyahu oo uu ku sheegay inuu Israa’iil ku hoggaaminayo guul-darro,

Waxaa uu intaa ku daray; “Qofkii yiraahda waxaan kala diraynaa guutooyinka Xamaas ee Rafah, kadibna waxaan soo celinayna dadkii la afduubtay,wuxuu ku hadlaya dhalanteed— Waxaan u baahanahay 3 ama 5 sanno si aan u helno xasillooni, Xamaas waa urur fikir, haddii ay maanta doorasho ka qabtaan Qasa, way guulaysan lahaayeen.” ayuu yiri wasiirka.