Dagaal culus oo u dhaxeeya Xamaas & Israaiil oo ka socda Magaalada Gaza.

0
67

Xaafado katirsan Waqooyiga Magaalada Gaza waxaa ka socda dagaal xooggan oo u dhaxeeya dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Xamaas iyo Ciidanka Israaiil waxaana barbar socda duqaymo xooggan oo ku dhacaya xaafadaha qaar.

Sida ay ku warrameen ilo kala duwan oo Warbaahinta xogtaan la wadaagay, Dagaalka ayaa sii xooggaystay saacadihii u dambeeyay kaddib markii ciidamo katirsan kuwa Israaiil ay ku go’doomeen goobaha dagaalladu ka socdaan.

Ciidanka Israaiil ayaa adeegsaday diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca kuwaas oo ay ku daabuleen dhaawacyada soo gaaray ciidanka iyo in ay u gudbiyaan sahaydu ay u baahan yihiin sida ay ku warrameen ilo si dhow ula socda.

Dagaallada ka socda Waqooyiga Magaalada Gaza ayaa galaaftay nolosha Dad isugu jira dhinacyada dagaalamaya iyo Rayid waxaana maalmihii lasoo dhaafay xooggaystay duqaynta ciidanka Israaiil ka gaysanayaan Magaaladaas.

La soco wixii kasoo kordha