Imaam Masaajid oo lagu dilay magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska

0
58

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Imaam Masaajid oo Axadii lasoo dhaafay lagu dilay xaafada Belmont Walk ee magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska.

Imaamka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Fu’aad Xasan Yaasiin, kaasoo da’diisa lagu sheegay 64 sanno, islamarkaana caan ka ahaa magaalada Cardiff iyo nawaaxigeeda.

Dilka Imaam Fu’aad Xasan oo la sheegay inuu dhacay xili uu kasoo baxay Masaajidka ayaa loo soo xidhay qof lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay dilkiisa oo 38 sanno ah sida ay Booliiska magaaladaasi sheegeen.

Alle ha u naxariiste marxuumka ayaa la tilmaamay inuu ahaa qof samafale oo naxariis badan, islamarkaana ka mid ahaa tiirarka Muslimiinta ku nool Cardiff, gaar ahaan Xarunta Islaamka ee South Wales ee ku taalla nawaaxiga Butetown ee magaalada Cardiff.

Si kastaba ha ahaate wali si rasmi ah looma xaqiijin qaabka uu u dhacay dilka Imaamka iyo waliba waxa sababay, waxaana Booliiska magaaladaas ay sheegeen iney wadaan wali baadhitaano la xadhiidha dilka.

Dadka ku nool magaalada Cardiff iyo nawaaxigeeda ayaa si weyn uga naxay dilka loo geystay Imaamka Masaajjd kaasoo ifka kaga tagay ilaa tiro carruur ah oo uu dhalay