Waxyaabo qarxa oo la dhigay meel u dhaw Safaarada Isra’il ee Sweden iyo kala carar dhacay

0
114

Waxyaabo qarxa oo la dhigay meel u dhaw Safaarada Isra’il ee Sweden iyo kala carar dhacay

Ciidamada ammaanka dalka Sweden ayaa fuliyay howlgal deg deg ah , kaddib markii waxyaabo qarxa la dhigay meel u dhaw xarunta safaarada maamulka Israa’iil ku leeyihiin magaalada Stockholm .

Booliiska ayaa gabi ahaan xiray waddooyinka gala safaarada Israa’iil, waxaana halkaasi ku kala cararay dadkii ku sugnaa kaddib markii la sheegay in halkaasi lagu arkay waxyaabo loo maleenayo qarax.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ay qarxiyeen waxyaabihii qaraxa ka sameesnaa ee la dhigay agagaarka safaarada Israa’iil, waxa ayna booliiska sheegeen in aysan jirin cid wax ku noqotay dhacdadaasi.

Safiirka Israa;iil u fadhiya dalka Sweden Ziv Nevo Kulman, ayaa sheegay in weerar lagu qaaday safaaradooda iyo shaqaalahooda, waxa uuna xusay in aan marnaba la cabsi gelin karin ayna shaqadooda wadanayaan.

Booliiska magaalada Stockholm ayaa wada howlgalo ay ku baarayaan waxyaavaha qarxa ee la dhigay meel ku dhaw xarunta safaarada Israaiil iyo waliba ciddii ka dambeesay falkaasi, mana bixin booliiska faah faahino ku aadan baaritaankooa socda.