Maraykanka oo Xeebaha Soomaaliya ka raadinaya askar uu waayay.

0
65

Ciidamada Badda Maraykanka ayaa wada howlgal xooggan oo ay ku raadinayaan labo askari oo ay ku waayeen Xeebaha Soomaaliya sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska Ciidankaas oo keliya lagu soo koobay baadigoobkooda.

Maraykanku ma sheegin sababta keentay in la waayo askartaan, sidoo kale Washington ma shaacin markabka ay la socdeen iyo magacyadooda balse waxa ay hadalkooda kusoo koobeen in ay wadaan raadinta askarkaan.

Doomo nooca dheereeya ah, diyaaradaha qumaatiga u kaca & qalabka kale oo wax lagu arki karo ayay adeegsanayaan ciidamadaan badda Maraykanka katirsan si ay usoo helaan nolol ama geeri mid uun in ay kusoo helaan askartaas ay raadinayaan.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dagaal dhinaca badda cas in uu ku dhexmaray ciidamada Badda Maraykanka & koox katirsan Xuutiyiinta Yemen loona badinayo in askartaas ay la socdeen Markab kamid ah kuwa Maraykanka wateen inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin.

La soco wixii kasoo kordha.