Xasan Cali Kheyre oo sheegay in Itoobiya ay ku tilaabsatay qaadashada qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya

0
69

Xasan Cali Kheyre oo sheegay in Itoobiya ay ku tilaabsatay qaadashada qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay heshiiska ay wada gaareen Ra’iiusl Wasaaraha dalka Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa cambaareeyey, isaga oo ku sheegay in uu yahay mid xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya.

Qoraal dheer oo uu faafiyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayuu ku yiri, “Waxaan si xooggan u cambaareynayaa heshiis ku sheegga ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah xadgudub weyn oo lagula kacay Qarannimada Soomaaliya.”

Kheyre ayaa qoraalkiisa ku sheegay heshiiska ka dhacay Addis Ababa in uu yahay mid aan la aqbali Karin, “Itoobiya iyo Soomaaliya waa labo dal oo daris ah, oo kala mudan is-xaqdhowr iyo wax-wada-qabsi ku dhisan isixtiraam qarannimada dal walba, waana wax aan la aqbali karin in Addis Ababa ay maanta ku tallaabsato qaadashada qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.”

Dhanka kale Xasan Cali Kheyre ayaa carabka ku dhuftay in lama huraan ay tahay in loo midoobo arrintaan, “Hadii aan nahay madax iyo shacabba, waa in aan u midownaa kahor tagga tallaabadan ay Itoobiya isuga dayayso qabsashada qeyb ka mid ah biyaheena, sidoo kalana lagu tir tirayo mabaadii’dii lagu aasaasay ururka Midowga Afrika, gaar ahaan Qodobka 4aad, faqraddiisa B.

Marna ma aqbali doonno ficilka noocan oo kale ah ee mugdiga galinaya jiritaankeenna, waxaana ugu baaqayaa Dowladda Itoobiya in ay ka laabato arrintan oo ay ilaaliso nabadda, xasiloonida iyo darisnimada.”

Ugu dambeyn Xasan Cali Kheyre ayaa madaxda dowladda ugu baaqay in ay arintaan jawaab degdeg ka bixiyaan, “Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaan u soo jeedinaya in ay arrintan deg deg uga bixiyaan jawaab u qalanta, ayna u diyaar garooban wixii fal-celin mideysan ah oo loo baahan karo. Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta midnimada, Dhulka iyo badda Soomaaliya.”