Nigeria: Ugu yaraan 76 ruux oo lagu dilay weerar ka dhacay Gobolka Plateau

0
89

Nigeria: Ugu yaraan 76 ruux oo lagu dilay weerar ka dhacay Gobolka Plateau

Faah-faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Gobolka Plateau ee dhaca Bartamaha Dalka Nigeria Waqooyiga Qaaradda Afrika oo ay ku dhinteen ugu yaraan 76 ruux halka ay dhaawacmeen tiro kale.

Mas’uuliyiin katirsan Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in khasaaraha uu intaas ka badan karo maadaama dadka dhaawaca qaarkood dhiig-bax ku yimid isla markaana goobaha loo qaaday aanay jirin warbixinno kale oo kasoo baxay.

Afhayeeen u hadlay Maamulka Gobolka dhibaatadu ka dhacday ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen kuwo deegaanka ah kuna howlan yihiin sidii loosoo qaban lahaa Dadkii ka dambeeyay weerarkaas.

Nigeria waxaa kusii kordhaya dilalka sababa dhimashada iyo dhaawaca badan gaar ahaan deegaannada ay ku sugan yihiin kooxaha hubaysan, Dowladdu weli maxkamad sooma taagin Dad ay usoo qabatay kiisaskaan isdaba-joogga noqday