Ciidanka Israaiil oo duqayn xooggan ku garaacaya Magaalada Khan Younis.

0
102

Ciidanka Israaiil oo duqayn xooggan ku garaacaya Magaalada Khan Younis.

Ciidanka Israaiil ayaa duqayn xooggan kawada Magaalada Khan Younis ee dhacda Koofurta Marinka Gaza waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo xog arrintaan ka siiyay Warbaahinta.

Diyaaradaha dagaalka ee Yuhuudda ayaa gantaallo culus ku garaacaya Magaalada Khan Younis waxaa barbar socda gantaallo culus oo ku dhacaya goobo kooban ee ka haray dhismaha ku yaalla Magaaladaas oo gabbaad u ah Dad rayid ah.

Israaiil ayaa damacsan kahor inta aan la go’aamin xabbad-joojinta uu u codeeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay beegsato goobahaas oo khasaaraha diiwaangashan weerarradaas sii kordhin kara.

Dhinaca kale iska hor imaad xooggan ayaa ka socda Magaalada Gaza waxaana si toos ah isku farasaaray Dhaqdhaqaaqa iska caabbinta Xamaas iyo Ciidanka Yuhuudda, dagaalladaas socda waxaa lagu gubay Gaadiid ay wateen Askarta Israaiil.

Saraakiil labada dhinac ka kala tirsan ayaa xaqiijiyay in uu dagaalka tooska ah uu socdo balse ma sheegin faah-faahin ay ku muujinayaan khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkooda oo marba marka ka dambaysa sii xooggaysanaya.