Hay’adda Lacagta Adduunka IMF Oo Soomaaliya u Ansixisay Taageero Maaliyeed Oo Dhan $100 Milyan.

0
127

Hay’adda Lacagta Adduunka IMF Oo Soomaaliya u Ansixisay Taageero Maaliyeed Oo Dhan $100 Milyan.

Hay’adda Lacagta Adduunka ee loosoo gaabiyo IMF ayaa ansixisay hannaan cusub oo Soomaaliya lagu taagaarayo si ay u hesho lacago ay ku kobciso dhaqaalaheeda isla markaana saddex sanno qorshahaas uu yahay.

Lacagta IMF ay ansixisay waa $100 Milyan oo doollar oo 3 sano lagu siinayo Dowladda Soomaaliya oo dhowaan si rasmi ah looga cafiyay dayntii waqtiga dheer lagu lahaa kaddib markii ay kasoo baxday shuruudihii la hordhigay.

Soomaaliya ayaa horumar muuqda ka samaysay hagaajinta hannaanka Maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha Dalka, sare u qaadista Miisaaniyadda iyo dhammaystirka barmaanijka ay kula dagaalamayso Musuqa (Wax isdaba-marinta).

Barnaamijkaan cusub ayaa ujeedkiisu yahay in wax laga qabto caqabadahaan iyada oo la taageerayo istaraatiijiyadaha dib u habaynta ee lagu xoojinayo dhaqaalaha Soomaaliya ee marxaladda Dayn cafinta kasoo gudbay.

Hay’adda Lacagta Adduunka IMF ayaa ku qanacday hannaanka Maaliyadda Soomaaliya, dib u hagaajinta iyo horumarka ay ku tallaabsadeen Hay’adaha ka shaqeeya dhinaca Lacagta ee Dalka oo sanadihii u dambeeyay kordhiyay dedaalka xooggan oo ay sameynayaan.