Ingiriiska & Jarmalka oo ku biiray Dalalka Israaiil ku cadaadinaya in ay gasho Xabbad-joojin.

0
122

Ingiriiska & Jarmalka oo ku biiray Dalalka Israaiil ku cadaadinaya in ay gasho Xabbad-joojin.

Waxaa bannaanka usoo shaac-baxay xogo sheegaya sida ay Dowladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ay uga niyad-jabeen in muddo kooban uu soo dhammaado howlgalka Israaiil ay sheegtay in ay ka fulineyso Magaalada Gaza.

Israaiil waa uu ku waqti dheeraaday howlgalka ay aaminsanayd in awood ahaan aanay isu dhigmid ciidankeeda oo haysta hubka uu ku faano Maraykanka oo ah kuwii ugu dambeeyay ee la farsameeyay balse waxaa hal bacaad lagu lisay ka dhigay Xamaas.

Dhiigga-baxa ciidanka Yuhuudda ku socda iyo khasaaraha kusii kordhaya maalinba maalinta ka dambeysa waxaa ka niyad-jabay dalal badan oo kamid ah kuwii garab-taagnaa ee sheegayay in aanay la loodin Karin haddii ay la safan yihiin.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Cameron & Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibadda ka ah Jarmalka ee lagu magacaabo Annalena Baerbock ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay u doonayaan in Israaiil ay gasho wadahadal & xabbad-joojin.

Maraykanka oo ah Dalka ugu badan ee Yuhuudda siiya hubka, taageerrada Militariga ah iyo wax weliba oo ay u baahan yihiin ayaa qudhiisa miiska soo dhigay in Israaiil laga doonayo in xabbad-joojin aanay waqti ku xadaysneen ay gasho.

Sida laga soo xigtay xubno katirsan maamulka Israaiil waxaa ku waqti dheeraaday soo afjaridda dagaalka ka socda Magaalada Gaza, tii oo jirta waxaa duqeyn xooggan lagu beegsanayaa Magaalooyin ay Yuhuuddu ku faanayeen in aanay gantaal u gudbi Karin.