Israaiil oo Maraakiib dagaal u dirtay Badda Cas & Jawaabta Xuutiyiinta.

0
132

Israaiil oo Maraakiib dagaal u dirtay Badda Cas & Jawaabta Xuutiyiinta.

Israaiil ayaa sheegtay in 4 Markab oo cusub oo ah kuwa dagaalka ay u dirtay Badda Cas si ay u ilaaliyaan Maraakiibta u socda Xeebaha deegaannada ay Yuhuudda joogaan si aanay u joogsan isu gudubkooda oo maalmihii dambe weerarrada Xuutiyiinta culeys ku noqday.

War kasoo baxay Maamulka Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in Maraakiibtaan ay kahortagayaan halista uga imaaneysa Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo joogteysay beegsiga ay ku heyso Maraakiibta ay leedahay Israaiil.

Maraakiibtaan waxaa ku xiran hub casri ah waxaana dusha ka saaran Diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca iyo doomo nooca dheereeya ah oo si fudud u beegsan kara doomaha ay Xuutiyiinta weerarka u adeegsadaan.

Dhanka kale, War ay soosaareen Xuutiyiinta Dalka Yemen ayaa lagu sheegay in howlgalladooda ay ku burburinayaan Maraakiibta iyo agab weliba oo Israaiil ay leedahay si dagaalka ay ku wajahaan usii kordhiyaan.

Mareykanka, Ingiriiska & Dalal kale oo Xulufo la ah Israaiil ayaa ku goodiyay in ay beegsan doonaan Kooxda Xuutiga ah ee fadhigeedu yahay Jamhuuriyadda Carbeed ee Yemen maadaama ay dhowr weerar geysatay.