Xamaas oo ku hanjabtay in Maxaabiista ay ka heysato Israaiil Nafta dhaafin doonto haddii aanay loo fulin shuruudaha ay wataan.

0
81
Palestinians inspect the site of Israeli strikes on houses in Jabalia refugee camp, in northern Gaza, November 14, 2023. REUTERS/Anas al-Shareef

Xamaas oo ku hanjabtay in Maxaabiista ay ka heysato Israaiil Nafta dhaafin doonto haddii aanay loo fulin shuruudaha ay wataan.

War kasoo baxay Dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Falastiin ayaa lagu sheegay in ay dili doonaan Maxaabiista Israaiil ay ka hayaan haddii aanay Yuhuudda u fulin shuruudaha ay wataan iyo haddii ay sii xoojiyaan dhibaatooyinka ay ka geysanayaan Magaalada Gaza.

Afhayeenka Xamaas Abuu Cubayda ayaa sheegay in fariin furan ay gaarsiinayaan Xukuumadda Benjamin Netanyahu & ehelka Maxaabiista ay gacanta ku hayaan in haddii aan loo fulin shuruudahooda ay xaaladdu is baddeli doonto.

“Cadowga Gumeystaha ah, hoggaankiisa kibirka badan & kuwa ka dambeeyaba midna ma heli karaan maxaabiistooda iyaga oo nool, Waxa aan diyaar u nahay in aan naafeyno oo dhibaatooyin horleh u geysanayo ciidanka soo duulay & kuwa garabka u ah, Maxaabiis nool oo Gaza ka baxda waxa ay ku xiran tahay in la aqbalo shuruudaha” Ayuu yiri Abuu Cubayda.

Ehelka Maxaabiista gacanta ugu jira Xamaas ayaa dibadbax xooggan la hortaagan guriga iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu iyaga oo dalbaday in uu is casilo isla markaana uu aqbalo shuruudaha Dhaqdhaqaaqaas ee maxaabiis is dhaafsiga ah.

Israaiil ayaa ku guuldareysatay qorshe ay sheegtay in ay kusoo furaneyso maxaabiista Xamaas ay heysato kaddib markii ay ku doodday in ay heshay xogo muujinaya goobaha lagu hayo oo ay ku ogaatay maalmihii Maxaabiis is dhaafsiga