Carruur Gaajo Ugu Dhimatay Magaalada Daadadka Go’doomiyeen Ee Baladweyne.

0
104

Carruur Gaajo Ugu Dhimatay Magaalada Daadadka Go’doomiyeen Ee Baladweyne.

Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka taagan Xaalado dhanka bani aadamnimada ah oo ka dhashay daadadka Roobka Dayrta & Fatahaadda Webiga Shabeelle uu ku sameeyay Magaaladaas.

Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan, Magaalada Baladweyne xaafado kamid ah waxaa ku go’doonsan Dad aanay awoodin in ay isaga baxaan maadaama fatahaaddu ay jartay jidadkii looga bixi jiray xaafadahooda.

Carruur ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa u geeriyooday Gaajo (Cunno la’aan) kaddib markii ay waayeen wax ay cunaan, waalidiinta carruurtaas dhalay ayaa sheegay in raashinkii ay isticmaalayeen ay la tageen daadadka.

Duqa Magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa sheegtay in xaalado bani aadamnimo ay ka taagan yihiin Magaaladaas waxaana ay ku baaqday in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo qoysaskaan aanay awoodin in ay cagahooda uga baxaan halista ay wajahayaan.

Xaafadaha qaar ee Magaalada Baladweyne waxaa adag in ay tagaan meelaha qaar sabab la xiriirta in ay ka cabsanayaan dhibaatooyin kasoo gaari kara dhulka biyaha ka sare maray oo socodkooda halis badan ay ka muujinayaan.