Xuutiyiinta Yemen oo Digniin culus u diray Dalalka Damacsan in ay ilaaliyaan Maraakiibta Israaiil.

0
132
A view of the British-owned and Japanese-operated cargo ship Galaxy Leader, which was reported to have been captured by Houthis in the southern Red Sea, in this handout image taken near Queensland, Australia November 27, 2018. Owen Foley/Handout via REUTERS

Xuutiyiinta Yemen oo Digniin culus u diray Dalalka Damacsan in ay ilaaliyaan Maraakiibta Israaiil.

Kooxda Xuutiga ah ee gacanta ku heysa Magaalooyin badan oo Jamhuuriyadda Yemen ah ayaa sheegatay mas’uuliyadda Markab Israaiil ay leedahay oo la afduubtay Axaddii iyada oo tallaabadaas ku tilmaamtay mid jawaab u ah ‘Xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta’.

Afhayeenka Xuutiyiinta ayaa sheegay in iyaga oo ka dhiidhinaya dhibaatooyinka Ciidanka Yuhuudda ay ka geysanayaan Magaalada Gaza ay kusoo afduubteen Markab Ganacsi oo kasoo safray Turkiga kuna sii jeeday Hindiya.

Yaxya Sariic oo ah Afhayeenka Xuutiyiinta ayaa shaaciyay in keliya ay bartilmaameedsanayaan Israaiil balse qaanaddaan ay soo geli doonto cid weliba oo isku dayda in ay ka difaacdo ama sameyso dhaqdhaqaaq ka dhan ah howlgalladooda.

“Dhibaatada lagu hayo Shacabka Falastiin ee Go’doominta, Barakicinta & Dilka ah oo ay geysaneyso Israaiil inaga oo ka dhiidhineyno ayaan qaadnay howlgal ka dhacay Badda Cas oo aan kusoo afduubanay Markab Yuhuuddu leedahay, cidda aan beegsaneyno Keliya waa Israaiil balse Dowlad weliba oo isku dayda in ay gudbiso iyanna waa lamid, waxaana u aargudi doonnaa Shacabka Falastiin” Ayuu yiri Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen.

Mareykanka ayaa eedeyn culus u jeediyay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, waxa ay Washington ku tilmaamtay in uu ahaa ‘Fal argagixiso’ oo ay ka dambeyso Dowladda Iiraan loona baahan yahay in si degdeg ah loo farageliyo.

Iiraan oo Jawaab ka bixisay eedeyntaas Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in dagaalka Gaza ka socda uu fiday waxaana uu ka baxay xeendaabka ay rabto Israaiil in ay kusoo koobto balse arrintaas aanay xadidi doonin.