Xamaas oo Mareykanka ku eedeysay in uu ka dambeeyay go’aanka Israaiil ay ku beegsatay Isbitaalka Al-Shifa.

0
108

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden iyo Waaxda Difaaca dalkaas ku eedeysay in ay ka dambeeyeen go’aanka Israaiil ay ku beegsatay goobaha Caafimaadka ee ku yaalla Magaalada Gaza.

Sida ay daabacday Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xiganeysa Mas’uuliyiin katirsan Xamaas waxa ay tallaabadaas ku tilmaameen mid ay Yuhuuddu ku dooneyso in ay ku cunaqabateyso adeegyada muhiimka ah uu Isbitaalkaan u hayo Bulshada.

Sababta keentay in Mareykanka uu ku dhiirrageliyo weerarka Israaiil ay ku qaadday Isbitaalka Al-Shifa waa in Washington ay dhiggeeda Tel Aviv usoo jeedisay in ay tuhmayaan in xubnaha Xamaas ay ku sugan yihiin Dhismaha Isbitaalka hoostiisa ku yaalla.

Inkasta oo hadalkaas uu beeniyay Maamulka Isbitaalka Al-Shifa balse hadalkaas kama baajin in ay Israaiil ay gudaha u gasho Isbitaalkaan inkasta oo askar badan laga dilay oo lagu gubay Gaadiid ciidan haddana ugu dambeyn dhismaha Al-Shifa ayay gashay.

Xamaas ayaa Mareykanka iyo Dalalka kale ee Reer Galbeedka ku eedeysay in ay ka dambeeyaan xasuuqa Israaiil ay ka geysatay Magaalada Gaza, waxaana indhaha ka daawanaya Waddamo badan oo xitaa awoodi waayay in ay farageliyaan xaaladdaan ka taagan Gaza.