Ciidamada Isreal oo ragga xoog uga saaraya Isbitaalka Al Shifa iyo xaalada oo cakiran

0
121

Ciidamada Isreal oo ragga xoog uga saaraya Isbitaalka Al Shifa iyo xaalada oo cakiran

Ciidamada milatariga Isreal ayaa xoog ku galay isbitaalka Al Shifa ee kuyaalla magaalada Gaza, halkaas ay ku jiraan kumanaan qof oo isugu jira shacab gabaad ka dhiganayay isbitaalka iyo dad kale oo bukaano ah.

Wariye ku sugan isbitaalka Al Shifa ayaa sheegay in ciidamada Isreal ku amrayaan ragga da’dooda u dhaxeyso 16-sanno ilaa 40-sanno in ay kasoo baxaan dhismaha isbitaalka ayna yimaadaan bannaanka.

Waxa uu sheegay wariyaha in ciidamada Isreal oo adeegsanaya codbaahiyaal ku amrayaan ragga isbitaalka ku jira in bannaanka usoo baxaan ayna isugu tagaan barxad weyn oo kutaalla isbitaalka.

Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Isreal rasaas culus mararka qaar kor u riayaan si ay dadka u cabsi galiyaan, waxa uuna intaa ku daray in ciidamada rakibeen qalabka wax lagu baaro si ay u hubiyaan dadka isbitaalka ay kasoo saarayaan.

Isbitaalka Al Shifa oo ah kan ugu weyn ee kuyaalla magaalada Gaza ayaa waxaa gabaad ka dhiganayay shacab badan oo Falastiiniyiin ah, waxaana isbitaalka laga jaray korontada iyo biyaha, taa oo sababtay in dhallaan iyo dad kale oo isbitaalka ku jiray ay dhintaan.