Muuse Bixi oo afhayeenkii Xisbiga Kulmiye u magacaabay Wasiir

0
107

Muuse Bixi oo afhayeenkii Xisbiga Kulmiye u magacaabay Wasiir

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilka qaadis, magacaabid iyo Isku-bedel ku sameeyey qaar ka mida xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa, iyada oo afhayeenkii Xisbiga talada haya ee Kulmiye u magacaabay Wasiir.

Madaxweyne Muuse Bixi ayaa xilka ka qaaday Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, waxa uuna xilkaas u magacaabay Axmed Maxamed Habbane.

Sidoo kale waxa uu xilka ka qaaday Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, waxaana loo magacaabay xilkaas Axmed Yuusuf Idiris Cawaale .

Muuse Bixi ayaa Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta xilka ka qaaday, isaga oo xilkaas u magacaabay Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Maxamuud, halka Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga uu xilka ka qaaday, isaga oo xilkaas u magacaabay Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax.

Dhanka kale Madaxweynaha Muuse Bixi ayaa Axmed Aadan Axmed Buuxane u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Axmed Maxamed Diiriye Cige ayuu isna u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, halka Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

Sidoo kale Wasiirkii Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayuu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo ahaa Afhayeenka Xisbiga kulmiye ayuu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha, Saleebaan Cawad Cali Bukhaari ayuu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka halka Axmed Maxamed Habbane uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.