Ugu yaraan 150 ruux oo ku geeriyootay Dhul-gariir ku dhuftay Nepal.

0
204

Ugu yaraan 150 ruux oo ku geeriyootay Dhul-gariir ku dhuftay Nepal.

Sida ay xaqiijiyeen kooxaha gurmadka degdega ah ee dalka Nepal dhul-gariir xooggan oo cabirkiisa lagu sheegay 5.6 Magnitude uu ku dhuftay Degmada Jajarkot ee dhacda Galbeedka Dalkaas waxaana burbur uu soo gaaray dhismo badan.

Waxaa lasoo badbaadiyay boqolaal ruux oo haatan guryo la’aan heysato iyada oo la dejisay meelo si Kumeel-gaar ah loogu qorsheeyay in ay usii joogaan ilaa inta ay xaaladda culus ay galeen kasoo hagaageyso waa sida hadalka loo dhigay.

Dhul-gariirka ayaa saameyn taban ku reebay 18 Kiilo-mitir oo isku wareeg ah waxaana dadkii degenaa intooda badan ay noqdeen kuwo dhintay, ku dhaawacmay & qayb la badbaadiyay si aanay halis kale naftooda ula kulmin.

Afhayeen u hadlay Booliiska Nepal ayaa Warbaahinta u sheegay in xaaladdu ay haatan degen tahay isla markaana la qiimeynayo isbaddelka dhuleed ee Degmada Jajarkot si dib u dejin loo sameeyo qoysaska guryaha ku waayay dhul-gariirkaan.

La soco wixii kasoo kordha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here